Somalia:Ra'iisul Wasaaraha oo la kulmay Dhalinyarada Gaalkacyo‏

اليمن العربي

R/w Somalia Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Gaalkacyo ee Xarunta Mudug ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Dhallinyarada Gaalkacyo.

Kulanka uu la qaatay R/W Kheyre qaar kamid ah Dhallinyarada Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

R/w ayaa la filaya inta uu ku sugan yahay Magalada Gaalkacyo in uu la kulmo Odayaasha & Waxgaradka Magalaaladaas,isaga oo kala hadli doona sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan