Somalia:Beelo isku horfadhiya Sanaag‏

اليمن العربي

Wararka naga soo gaaraya degaanada Sanaag ee dhulka Somaliland ayaa soo sheegaya in Xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo maleeshiyo beeleed ay maanta ka taagantahay deegaano hoostaga degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya In dhaq dhaqaaqyo ay labada dhinac ka wadaan duleedka degmada  Ceel Afweyn, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal uu halkaasi ka dhaco.

Goobjoogayasha ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkaan ay xiisadoodu timid kadib muran la xiriira Dhul daaqsineed ku yaalla duleedka degmada  Ceel Afweyn.

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyin hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

Labadan beelood ee diriraya ayaa dabayaaqadii sannadkii hore la heshiisiiyey, hase ahaatee waxa wararka qaar sheegayaa in waxyaabaha dagaalkan hadda dhaliyey ay ka mid yihiin labada dhinac midkood oo aan sidii lagu heshiiyey u fulinin.