Haween Soomaaliyeed oo Dacwad ka gudbiyay Shirkada Amazon

أخبار الصومال

اليمن العربي

Haween asalkoodu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa  maxkamad ku taalla gobolka Minnesota u gudbiyay dacwad ka dhan ah Shirkada Amazon oo ay ka shaqeeyaan.

Sida uu qoray wargayska middleeastmonitor haweenkan Soomaaliyeed ee dacwada ka gudbiyay shirkada Amazon ayaa ka cabanaya in loo diiday in la siiyo goob iyo waqti ay ku tukadaan Salaada.

Waxa ay sheegeen Haweenkan Soomaaliyeed oo gaaraya sadex in shirkada sida ay ula dhaqanto dadka cadaanka ah si ka duwan iyaga iyo dadka kale ee kasoo jeeda bariga afrika ula dhaqanto.

Haweenkan ayaa Isbuucii hore sidoo kale cabasho u gudbiyay guddiga sinnaanta fursadaha shaqaalaysiinta, waxaana ay shaqaalahan ku doodeen inay shirkada Amazon ku tumatay hal-kudhigooda VII oo ah mid looga hortagayo kala sooca ku salaysan diimaha.

Shirkadda Amazon ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay sameesay midab takoor, shaqaalaha Soomalida iyo kuwa ka soo jeeda bariga Afrika ee u qalma dalacsiinta aan la siin iyada oo sad-bursi loo samaynayo shaqaalaha caddaanka.

Haweeenkan Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Shirkada Amazon ayaa markii ay gudbiyeen cabashadooda kadib waxaa la siiyay digniino iyo qoraalo ku aadan in shaqada laga ceyrinayo.