Qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Muqdisho

أخبار الصومال

اليمن العربي


Qarax ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Taleex ee Wadada Maka Al Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay wadada dhinaceeda, gaar ahaan afaafka hore ee Primeir Bank oo ku yaalla agagaarka Taleex

Gaariga qarxay ayaa ahaa gaariga loo yaqaano Qooqan ama Pick Up ee ay ciidamada dhinaca dambe ka saaran yihiin.

Ma cadda weli in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray iyo in gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo sababay in isu socodka wadada uu hakad galo, waxaana goobta xiray ciidamada ammaanka, waxaa la damiyay dabkii ka holcayay gaariga.