War deg degg ah: Qarax ka dhacay Muqdisho

أخبار الصومال

اليمن العربي

Gaari waxyaabo qarxa lagu soo xiray ayaa gor dhow ku qarxay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa hotelka Karmel iyo isgoyska Banaadir, iyadoo jugta qaraxan laga maqlay meelo badan.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaarigan uu ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano qooqan, wuxuuna socday wadada xiliga uu qaraxa qabsanayey.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka dib uu gaarigu qabsaday dab xoog leh, waxaana ka baxaya qaac iyo olol xoog leh, gaadiidkii wadadaas marayey ayaana joogsaday.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo qofka watay gaarigaas ee qaraxa loogu soo xiray, ciidamada amaanka oo halkaas gaaray ayaana wada baaritaano