Somalia:Ceelasha biyaha oo qof lagu dilay‏

أخبار الصومال

اليمن العربي

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya 2 ruux oo shacab ahaa oo xalay  la dilay, halka shan kalena  lagu dhaawacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xaalada amniga ee degaanka ceelasha biyaha ayaa la sheegayaa inuu faraha ka sii baxeya maadama ay kuso kordheen dilalka noocaani oo kale ah ee qorsheesan.

Arintaan labada ruux lagu dilay ayaa ka dhacday agagaarka maqaayada Galmudug oo ku taalla bartamaha degaanka Ceelasha Biyaha ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan, iyagoona markii dambe goobta ka  baxsaday.