Carruur gaari ku jiiray degmada Waaberi

أخبار الصومال

اليمن العربي

Labo carruur ayaa geeriyootay, halka labo kalena ay dhaawacmeen, kaddib markii saaka uu gaari ku jiiray degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in carruurtan ay ku sii jeedeen Dugsi qur’aan ay dhiganayeen oo ay saaka aroortii u kalaheen, waxaana gaariga jiiray uu ahaa nuuca raaxada.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga uu carruurta ku jiiray inta u dhaxeysa Buundada Ansalooti iyo Suuqa Beerta, waxaana uu ku jiray wadada dhinaceeda gaar ahaan marshabiyeedka oo ay carruurta marayeen.

Carruurta geeriyootay ayaa da’dooda lagu sheegay inay u dhaxeysay 9-14 sano jir, waxaana labada kale ee dhaawacantay loola cararay isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Darawalka Gaariga kaxeynayay ayaa baxsaday, hase ahaatee afar ruux oo gaariga saarnaa oo labo ka mid ah ay ahaayeen dumar ayaa la geeyay xarunta dambi baarista Booliska ee CID.